Guutada Maxamed Deif : Maxaan ka ognahay kooxda aan la garanayn ee sheegatay mas'uuliyadda gantaallada lagu tuuray Israa'iil?

Xigashada Sawirka, Social Media
Israa'iil ayaa ku dhawaaqday, fiidnimadii Talaadada, ee 3-dii June, in laba gantaal ay ku dhaceen meel bannaan ah oo ku taal qaybta ay Israa'iil haysato ee buuraha Golan Heights.
Warbaahinta Israa'iil ayaa isla markiiba xaqiijisay in labada gantaal laga soo tuuray gobolka Dacra ee koonfurta Suuriya.
Waxaa xigay war ka soo baxay militariga Israa'iil oo sheegayay in ay qaadeen duqaymo ay ku bartilmaameedsanayaan "goobaha hubka taliska Suuriya ee koonfurta", iyadoo intaa lagu ku daray in taliska Suuriya uu la kulmi doono cawaaqib xumada ka dhalan karta ilaa inta dhaqdhaqaaqyada cadowtinimada ahi ay ka sii socdaan dhulkooda.
Kooxda la socota arrimaha xuquuqul insaanka ee Suuriya ayaa xaqiijisay in Israa'iil ay qaaday duqeymaha cirka, iyadoo sheegtay in duqeymahan ay ku soo beegmayaan iyadoo diyaaradaha dagaalka Israa'iil ay xoojiyeen duullimaadyada hawada Suuriya.
Laakiin isbeddelka ugu yaabka badan ayaa ahaa sida ay warbaahinta Carabtu ka warantay koox aan hore loo aqoon oo isku magacawday "Guutooyinka Shuhadada Maxamed Al-Deif" oo sheegatay mas'uuliyadda labada gantaal ee lagu ganay buuraha Golan Heights.
Waa maxay guutada Shuhadada Muxamed al-Deif?

Xigashada Sawirka, Social Media
Magaca kooxdan hubeysan ayaa si lama filaan ah u soo shaac baxay kadib markii gantaalka lagu soo riday dhanka buuraha Golan. Waxaa jira xog aan dhameystirnayn oo laga heli karo Hab-dhaqanka kooxdan, hoggaankeeda, meelaha ay ka shaqeyso, ama inay tahay garab ka mid ah kooxaha Falastiiniyiinta ee la aasaasay, ama haddii la aasaasay iyadoo taageero laga helayo dhinacyada kale ee colaadaha ka socda Bariga Dhexe ama hindisaha kooxda waxa uu yahay.
Ka dib gantaalkadaasi lagu tuuray dhanka buuraha Golan, warbaahinta Carabta ayaa faafisay bar Telegram ah oo loo nisbeeyo "Guutooyinka Shuhadada Maxamed al-Deif."
Marka al eego bartaasi Telegram-ka, waxa lagu daabacay"bayaan lagu aasaasay" oo loogu talagalay kooxda, oo ku taariikhaysan 31-kii May, 2025, dhowr maalmood ka hor intaan la bilaabin weerrada buuraha Golan.
Bayaanka aasaaska ayaa lagu sheegay in "Guutada Shuhadada Maxamed al-Deif" aysan ahayn xisbi ama urur.
War saxaafadeedku si cad uma sheegin cidda ay yihiin ama asaastay, balse waxa ay si toos ah u sheegeen in kooxdan ay ka kooban tahay koox dhallinyaro ah oo ay ku tilmaantay "Jiil ku soo barbaaray duqeynta iyo dhawaaqa bambooyinka".
Waa maxay hadafyada kooxdan? Maxaa loo asaasay?
Qoraalka aasaaska kooxdan ayaa lagu sheegay in daahfurka ururkan uu ka dhashay "xanuunka dadka, aamusnaanta adduunka, iyo khiyaamada deriskayaga."
Hadalladaan ayaa inta badan la xiriira dagaalka ka socda Qasa iyo dhibaatooyinka bini'aadantinimo ee halkaasi ka taagan.
Tani waxay calaamad u noqon kartaa in kooxdan lagu aasaasay xaaladda dagaalkan iyo wixii ka dambeeyay, sida ay dadka u dhaqdhaqaaqa iyo dadka danaynaya ay ku baahiyeen baraha bulshada.
Bayaanka aasaaska laguma qeexin hadafyada gaarka ah ee kooxda, laakiin ayaa waxaa ay jeediyeen hanjabaad ku wajahan Israa'iil, iyagoo ku sifeeyay inay tahay "cadow," wacad ku maray in "qalbiyadooda ku beeri doonaan argagax," iyo hanjabaado kale.
Kooxdu iskuma xirna koox kale oo falastiiniyiin ah oo la yaqaan, waxayna sheegtaa in aanay ahayn "xisbi ama urur." Si kastaba ha ahaatee, bayaankeeda, waxay ku sheegtay inay tahay kordhinta waxa ay ku tilmaantay "dariiqa joogtada ah ee wax-iska-caabbinta iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka.
" Marka la eego macnahan, waxay xustay magacyo ay ka mid yihiin Axmed Yaasiin, Cabdul Casiis al-Rantisi, iyo Maxamed al-Deif, kuwaas oo dhammaantood ku xiran dhaqdhaqaaqa iska caabinta Islaamiga ah ee Xamaas
Maxay kooxdu magacaas ula baxday?

Xigashada Sawirka, Media Sources
Kooxdan ayaa sida muuqata isku magacawday taliyihii hore ee guutada Qassam, garabka militariga ee Xamaas, Maxamed Deif, kaas oo Israel ay ku dhawaaqday in lagu dilay weerar cirka ah oo ka dhacay Marinka Qasa bishii Juy 2024.
Tani waxay sidoo kale ku caddahay astaanta kooxda, taas oo ka muuqata madaxa bayaankeeda aasaaska. Bartamaha calaamadda waxaa ku yaal har u eg kan Maxamed Deif, kaasoo ka soo muuqday sawir la socday duubista Deif oo ay sii daysay Xamaas ka dib weerarkii Oktoobar 7, 2023.
Maxamed al-Deif waa Maxamed Diab al-Masri, ku dhashay Qasa1965-tii, waxaana loo yaqaan "martida" marka loo eego qaab nololeedkiisa reer guuraaga ah, isaga oo ka fogaanaya duqeymaha Israa'iil
Maxamed wuxuu ku biirty safafka Xamaas dabayaaqadii 1980-aadkii.
Waxa uu ka qayb qaatay aasaaskii garabka milatari ee xarakada oo loo yaqaanay guutada Isaad Diin al-Qassam, waxa uuna noqday taliyaha garabka milatariga ee Daanta Galbeed ee la haysto sanadkii 1993-kii.
Sannadkii 2002-dii, Al-Dhaif waxa uu noqday taliyaha guud ee guutada Isaad-Diin al-Qassam, ka dib markii la dilay taliyihii isaga ka horreeyay, Salah Shehadeh, oo ay Israa'iil duqaymo ku dishay.
Al-Daif waxa uu leeyahay taariikh dheer oo dhaqdhaqaaq ciidan ah ilaa 1980-aadkii. In ka badan soddon sano, waxa uu door ku lahaa tiro hawlgallo ah oo lagu beegsaday Israa'iil, oo ay ku jiraan afduubka askarta, weerarrada gantaallada, iyo hawlgallada kale ee milatariga.
Waxaa sidoo kale lagu tiriyaa raggii lahaa mid ka mid ah qorshayaashii ugu muhiimsanaa weerarkii 7-dii Oktoobar, isagoo garab socday Yaxya Sinwar, oo ahaa madaxii hore ee xafiiska siyaasadda Xamaas.
Warbaahinta Israa'iil iyo falastiiniyiinta ayaa sheegay in al-Daif uu ka badbaaday todobo isku day dil oo dhacay sanadihii 2001,2002,2003,2006,2014,2021,xilli ay Israa'iil isku dayday in ay disho laba jeer sanadkaas.
Way adag tahay in la xaqiijiyo kalsoonida lagu qabo xogta kooxda la magac baxday "Guutada Shuhadada Maxamed al-Deif," ama sheegashada mas'uuliyadda weerarka Buuraha Golan.
Xogta la heli karo waxay ku salaysan tahay waxa lagu daabacay barta Telegram-ka ee loo nisbeeyo kooxda, oo ay faafiyeen warbaahinta Carabta, iyo ilo maxalli ah.
Intaa waxaa dheer, koox kale oo aan la garaneyn ayaa sidoo kale sheegatay mas'uuliyadda ganidda labada gantaal.